Guddiga doorashada oo shaaciyey dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada iyo sababta keentay

1

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in uu isbedel ku yimid jadwalkii loo qorsheeyay inay ku dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu dhaqan geli waayay jadwalkii hore.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu ogeysiiyay dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in uu isbaddal ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey, kaas oo ahaa in 31-ka Diseembar 2020 ilaa 6-da Jannaayo 2021-ka lagu dhameeyo doorashada Aqalka Sare.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen inay la wadaageen Madaxda  Gobaleedyada dalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021-ka, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14-ka Jannaayo 2021-ka.

Isbaddalka jadwalka ayay guddiga sheegeen inay ku timid codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kaas oo hada ku jira madaxda ku sugan Garowe, isla markaana isku dayaya inuu dhameeyo khilaafka dowladda iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.

“Muddada aan shaacinay waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashada codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed” aya lagu yiri qoraalka guddiga.