Madaxweyne Qoor Qoor oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe

16

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa waxaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta madaxweyne Qoor Qoor qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, iyo qaar ka mid ah shacabka Puntland gaar ahaan Garowe.

Qoor Qoor ayaa magaaladaasi waxa uu uga qayb geli doonaa shirka la filayo in ay ku yeeshaan madaxda maamul goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, kaas oo uu soo agaasimay machadka Heritage.

Sidoo kale masuuliyiin kale ayaa maanta ku wajahan Garowe si ay shirkaas uga qaby galaan, waxaana ka mid ah rasal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre