Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

10

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay Musharrax Madaxweyne Danjire Daahir Maxamuud Geell iyo wafdi uu hogaaminayo, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Musharraxu wuxuu ka qaybgeli doonaa shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe. Shirka waxaa lugu casuumay madax fara badan oo uu ku jiro Danjire Geelle.

Sidoo kale musharraxa iyo wafdiga la socda waxay magaalada Garoowe ee caasimadda  Puntand ka samayn doonaan, dadaallo la xiriira arrimaha ololaha musharraxa kuwaasoo horay u qorshaysnaa, waxayna halkaas kula kulmi doonaan bulshada reer Punland qaybaheeda kala duwan, haday ahaan lahaayeen siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro, haween iyo ururada bulshada rayidka ah.

Hawldeenada iyo taageerayaasha musharraxa oo maalmahaan qaban qaabinayay soo dhawayn heer keedu sarreeyo ayaa maanta si wayn u soo dhaweeyay musharrax Geelle, waxaana halkaas ka muuqday cudud taageero oo aad u wayn.

Musharrax madaxweyne Danjire Geelle wuxuu maalmihii danbe magaalada Muqdisho ka waday dadaallo uu ku dardar gelinayo ololihiisa doorashada wuxuuna si dhaw kulamo ula yeelanayay bulshada qaybeheeda kala duwan, siyaasiyiinta, beesha caalamka iyo masuuliyiinta dawladda.

Musharraxu wuxuu mari doonaa dhammaan gobolada dalka si uu u gaaro bulshada Soomaaliyeed intii suurgtal ah ee la gaari karo.