Galmudug Oo Ka Hadashay Howlgalo Ballaaran Oo Weli Ka Socda Gaalkacyo

16

Wasiirka Wasaaradda amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiq ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Maamulkaas ka saameeyeen gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagu  doonayo in looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Gaalkacyo, wuxuuna tilmaamay in cid kasta oo falkaas loo soo qabto sharciga la horgeyn doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay inay jiraan lagu soo qabtay howlgalkii laga sameeyay Gaalkacyo, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro, isla markaana laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwan.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Magaalada, si looga hortego falal amni darro.