Ururka Al-Shabaab oo G/Gedo ku dilay nin oday ahaa

26

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo waxay ku toogteen Maxamed Sidiiq Xuseen oo ahaa nin oday ah.

Al-Shabaab ayaa marxuumkaas ku eedeeyey inuu ahaa saaxir, iyagoo sheegay in mudo sanado ah uu ku shaqeysanayey falkaas.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaarihii la isugu keenay dadka deegaanka Ceelcadde ka hor akhriyey dembiyo uu sheegay inuu galay ninka ay toogteen.

Al-Shabaab ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya marar badan dil ugu geystay dad ay ku eedeeyeen inay ku kaceen basaasnimo iyo waxa ay ku sheegeen saaxirnimo, waxaana cabsi aan ka dhamaan ku nool, dadka jooga dhulka ay dalka ka heystaan.