Koox hubeysan oo askar reer Burundi ah ku dishay dalka Afrikada dhexe

12

Dabley hubaysan oo weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa nabad illaalinta ah ee jooga dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa dilay 3 askari oo u dhashay dalka Burundi.

Weerarkaan waxaa uu ka dhacay magaalo la yiraahdo Dekoowa oo ku taala bartamaha dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe waxaana ku dhaawacmay 2 askari oo kale.

War Qaramada Midoobey kasoo baxay waxaa lagu sheegay in kooxda weerarka geysatay oo aan la aqoonsan ay baxsadeen waxaa la tuhmayaa inay ka tirsanyihiin isbahaysiga cusub ee dhawaan mucaaradku samaystay.

Dhawr dawladood oo Afrikan iyo Yurub ah ayaa ciidamo nabad illaalin ah diray dalkaan oo ay dhawaan ka dhacayso doorasho m/weyne iyo mid baarlamaan waxaana jirta in dalku dagaal sokeeye ka dhaco.

Dawladu waxay ku eedeysay mucaaradka oo uu hormuud u yahay madaxweynihii hore Francois Bozize ayaa inuu afgambi maaganyahay.