Nabadoon Cabdi Siyaad Geedi oo lagu dilay degmada Deyniile

18

Wararka aan ka heleyno degmada Deyniile waxay sheegayaan in goor dhaw lagu dilay Macalin Cabdi Siyaad Geedi oo kamid ahaa nabadoonadii soo xulay ergadii soo dooratay baarlamaankan 10-aad ee dowladda federaalka.

Ragg ku hubeysan bastoolado ayaa nabadoonkaas ku dhex dilay suuq Ariga lagu iibiyo oo ku yaalla Raadeelka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Deeyniile ayaa dilka kadib goobta gaaray, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano aan illaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay.

Meydka Nabadoonka ayaa la geeyay xarunta dambi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da, waxaana goobtii lagu dilay ka soo qaaday ehelladiisa iyo ciidamo booliska oo dilka kadib goobta gaaray.