Axmed Cali Bacalwaan oo maanta geeriyooday isagoo ku howlan tacsida walaalkiis

51

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Axmed Cali Bacalwaan oo ay walaalo ahaayeen Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo habeenkii Arbacada ee aan soo dhaafnay isna ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Marxuumka maanta geeriyooday ee Axmed Cali Bacalwaan ayaa la sheegay inuu ku howlanaa u diyaar garow ay qoyska reer Bacalwaan ugu jireen sidii loo dhigi lahaa todobaadkan tacsida Fanaankii Qaran Cabdi Cali Bacalwaan.

Xubno ka mid ah qoyska reer Bacalwaan ayaa KNN u sheegay in marxuum Axmed ay ku timid geeri kedis ah, isagoo geeriyooday war yar un kadib, markii uu suuqa ka keenay xoolihii lagu dhigi lahaa tacsida walaalkiis Cabdi Cali Bacalwaan.

Maanta ayaa waxaa qoyska reer Bacalwaan u taalla tacsidii labaad, iyadoo maalmo gudahood ay ka baxeen Allaha u wada naxariistee Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Jarmalka iyo walaalkiis Axmed Cali Bacalwaan oo isna maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.