Maxaa ka dhaqan galay jadwalkii guddiga doorashada ee Aqalka Sare?

81

Iyadoo maanta ay ku began tahay maalintii loo qabtay inay bilaabato diiwaan-gelinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guddiga doorashada heer federaal waxay sheegayaan inay maamul goboleedyada u direen waraaqaha diiwaan-gelinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan gelisay caasimadaha dawlad goboleedyada dalka oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xubnaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee soo saaray jadwalkan maanta dhaqan geli waayey metelaad kuma lahan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay doorashada u maamuleyso dowladda federaalka.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wafuud ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sidoo kale xubno ka socda midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa ku wajahan magaaladaas.