Hoos ka dhageyso Barnaamijka SAMAWADE ,Mowduuca 2aad ee Radio Markabley Baardheere.

37

Hoos ka dhageyso Barnaamijka SAMAWADE ,Mowduuca 2aad ee Radio Markabley Baardheere.
Mowduuca Caawa:

Maleeshiyada Shabaab waxeey si maalinle ah Lacago baad ah uga qaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed si xoog ah iyadoo aanay jirin wax adeeg ah oo ay siinayaan sida Caafimaad, waxbarasho, Nadaafad ama wadooyin, hadaba, maxeeey Shareecada islaamku ka qabtaa lacagahaas baadda ah ?

Hadaba dhabar jab intee la eg ayay ku tahay kooxda shabaab talaabadaan ay qaadday NISSA?

1.Asc bahda radio raio markableey Salaan ka dib waa Aaamino Xuseen jaamac oo joogta degmada Baardheere ,gaar ahaan xaafada kaskeey, hadaan fikirkayga ka dhiibto barnaamijka Samawade ee caawa ka baxaya Radio Markabley,Alshabaab dhabar jab weyn ayey ku tahay lacago baad ah oo laga qaado shacabka oo aan waxba loogu qabanaynin,waana soo dhaweynaya Talaabada NISSA.
2.Magaceygu waa Aden Ibraahin oo jooga Xaafada kurmaan Baardheere waxaan oran lahaa Alshabaab loogama baran wax adeeg ah in ay u qabteen nBulshada Soomaaliyed,balse anagoo kaashaneyna NISSA ,waa inaan ka hor tagnaa bixinta lacagaha baada ah.
3.magacaygu waa Faadumo jaamac oo degan xaafada qalaaliyoow ee baardheere NISSA waan bogaadinaayaa hawsha culus ee ay qabatay waana dhabar jab kii ugu waynaa ee soo gaara Alshabaab,waxaana leeyahay hala soo dabagalo oo yaan la bixinin lacagaha baadaha ah ee aan bulshada wax looga qabaneynin.

4.Anigoo ah Ceeblo xuseen Aden oo joogta deegaanka sarinleey ee duleedka Baardheere waxaan qabaa in la gaaray xiligii laga adkaan lahaa dhagarqabayaasha alshabaab ee haloo wada istaago in si walbo loola diriro,maadama tabartooda ay sii yaraaneyso,waxaana bulshada ku boorinayaa inaysan bixinin lacagaha baada ah ee ay Qaadaan,maadama wax adeegyo bulsho ah aanan bulshada loogu qabanaynin..
5.Asc,Helloow Radio Markabley magacayga waa Deeq Maxamed Axmed oo ku sugan Baardheere ,Gaar ahaan xaafada Kurmaan Shareecada Islaamka wax raad ah kuma lahan in Baad laga qaado dadka masaakiinta ah,waxaana ku boorinayaa Bulshada inaan meel uga soo wada jeesano lacagaha baada ah ee laga qaadayo dadka shacabka ah.
6.Asc,Idaacada markableey magacaygu waa Jabriil Aden oo jooga xaafada buulo kuuloow ee Magaalada Baardheere,haddii aan fikirkeyga ka dhiibto barnaamijka Samawade ee caawa waxaan qabaa si looga hortago lacagaha baada ah ay ka qaadanayaan bulshada Soomaaliyeed,waa in Alshabaab la iska dhiciyaa,wax ay u hayaan bulshada ma jiraan,Ciidamada oo ay ugu horeyso NISSA waxaan oran lahaa hala taageero/
Guud ahaan dhageystayaal intaasi waxaa ku ek falcelintii dhagaystayaasha Radio Markabley Baardheere ay ka sameeyeyn Barnaamijka SAMAWADE Mowduuca 2aad/
Barnaamij soo saare.Yaxye C.risaaq Soofe.