Guddiga doorashooyinka oo ku dhawaaqay in la tirtiray shahaadada xisbinimo ee 26 xisbi

25

Guddida Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la tirtiray shahaadada xisbinimo ee 26 ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee dalkaas, halka 12 xisbina loo diray diginin ay ku soo buuxiyaan shuruudaha ka dhiman, ka hor inta aan go’aan laga gaadhin jiritaankooda.

Xisbiyada la tirtiray oo uu guddida doorashooyinku sheegay in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa, waxaa ka mid ah, laba xisbi oo ka jira deegaanka Soomaalida, kuwaas oo kala ah;

  1. Xisbiga Waddaniga ah ee Soomaalida – (Somali Patriotic Party: SPP)
  2. Xisbiga Midowga Dimuqraaddiga ah ee deegaanka Soomaalida – (Somali Regional Democratic Union: SRDU)

Halka 12 ka xisbi ee ay shuruuduhu ka kala dhiman yihiin, sidaas awgeed waqtiga digniinta ah la siiyey uu ku jiro ururka caanka ah ee ONLF ama Jahbadda xoraynta Ogaadeeniya – (Ogaden National Liberation Front)

Waxa kale oo uu komishanka doorashooyinku soo saaray liiska 40 xisbi oo buuxiyey shuruudda xisbinimo, kuwaas oo uu ku jiro hal xisbi oo Soomaalidu ay leedahay oo ah ‘Xisbiga dimuqraaddiga ah ee Soomaali galbeed – (Western Somali Democratic Party). Waxa kale oo xisbiyadan ka mid ah xisbiga Barwaaqada – (Prosperity Party: PP) ee dhowaan uu raysalwasaare Abiy Axmed ku beddelay isbahaysigii talada dalkaas hayn jiray ee EPRDF.