Nin hubeysan oo rasaas ku furay shacab banaanbax ka dhigayay Muqdisho

7

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in hubeysan oo dharcad ah oo haween iyo dhalinyaro dhigeysay banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo  degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Banaadir  rasaas ku furaya.

Ciidanka Ammanka ayaa sidoo kale xiray labo wariye oo ka tirsan goobjoog sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la beegsado shacab banaanbax dhigayay.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mar uu ka hadlayay ninka hubeysan ee beegsaday shacabka waxaa uu yiri “Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay diidaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay”