Militeriga Siiriya oo fashiliyay weeraro Israa’iil ayka fulin rabtay dalkooda

7

Ciidamada militeriga dalka Siiriya ayaa waxa ay soo bandhigeen Gantaallo ay sheegeen in ay Hawada ku qabteen.

Gantaalladan ayaa waxaa soo ganay Ciidamada Israa’iil taas oo ay doonayeen in ay la beegsadaan goobaha iyo saldhigyada muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Suuriya iyo saaxiibada ka ganasiiya dagaallada ay ku jiraan.

Diyaaradaha dagaalka ee militeriga dalka Siiriya ay isticmaalaan ayaana la sheegay in ay Hawada ku qabteen.

Maamulka Yahuudda ayaa inta badan weeraro ka gaystay gudaha dalka Siiriya, inkasta oo eedaymo dhowr ah oo horay loogu jeediyay ay dhagaha ka fureysatay.