Ganacsiga Garowe oo maanta xiran iyo Lacagta Shilling Soomaaliga oo aan laga Isticmaaleyn magaalada

15

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in maanta Jimco ah ay suuqyada magaalada Garoowe ka taagan yihiin, khilaaf xoogan oo ku aadan  isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, kaas oo saamayn  ku yeeshay nolosha  dadka danta yare e ku nool magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in gabi ahaanba goobaha kala duwan ee ganacsiga Garoowe iyo Dukaannada  lagu iibiyo agabyada aasaasiga ah, ay  diideen  socod-siinta iyo Isticmaalka Lacagta Shiling-ka Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen maamulka  Puntland ay  diiday in ay Canshuurta ku qaaddo Lacagta Shiling-ka Soomaaliga ah.

Muranka  soo kordhay, wuxu durba saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaas oo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.

Ma jiraan weli dadaalo ku aadan arrintan oo ay wadaan masuuliyiinta maamulka Puntland,six al looga gaaro .