Khaliifa Xaftar oo u hanjabay dawaladda Turkigac

15

Hoggaamiyaha mucaaradka ee ka dagaalama dalka Libya General Khaliifa Xaftar ayaa hanjabaad adag u diray dawladda Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaa waxa uu sheegay in dawladda Turkiga ay faragolin ku hayso arrimaha gudaha ee dalka Libya, taasna uu sheegay in uusan usii dulqaadan doonin.

Ciidamada militeriga Turkiga ee ku sugan dalka Libya ayaa uu sheegay in uu beegsan doono, maadaama ay taageero siiyaan ciidamada dawladda uu dagaalka kula jiro.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa horay ugucodeeyay in ciidamo militeri ah loo diro dalka Libya si ay garab u siiyaan dawladda oo dagaal kula jirta General Xaftar iyo Ciidamada daacadda u ah.