Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay tallaabo uu qaaday Madaxweyne Farmaajo

8

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabo uu maanta qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayuu sheegay in shalay ay aheyd in Baarlamaanka labada Aqal ay wadajir u kulmaan si ay uga hadlayaan arrinta Dastuurka oo uu 12-kii Bishaan ka hadlay, hayeeshee kualnkaas uu hor-istaagay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in tallaabada xigta ee uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay tahay in uu xalay digreeto an sharci aheyn uu ku dib dhigay waxka beddelka dastuurka oo la rabay in Baarlamanka 10aad ee labada aqal inay u wakiishaan Baarlamaanka 11aad ee la dooran doono.

Waxaa uu ku edeeyay xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha  Soomaaliya in uu yahay Nin Digtaatoori ah, hayeeshee uu ku darsaday dabaq kale, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha in dastuurka uu jebinaayo uu dab ku qabanaayo kursiga uu ku fadhiyo oo ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweyne Farmaajo wareegto Madaxweyne uu soo saaray uu ku dib dhigay waxka beddelka dastuurka qabyada ah ee dalka.