Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in maanta Jimco ah ay suuqyada magaalada Garoowe ka taagan yihiin, khilaaf xoogan oo ku aadan isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, kaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka danta yare e ku nool magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in gabi ahaanba goobaha kala duwan ee ganacsiga Garoowe iyo Dukaannada lagu iibiyo agabyada aasaasiga ah, ay diideen socod-siinta iyo Isticmaalka Lacagta Shiling-ka Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen maamulka Puntland ay diiday in ay Canshuurta ku qaaddo Lacagta Shiling-ka Soomaaliga ah.
Muranka soo kordhay, wuxu durba saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaas oo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.
Ma jiraan weli dadaalo ku aadan arrintan oo ay wadaan masuuliyiinta maamulka Puntland,six al looga gaaro .