Midowga Musharaxiinta oo kulan la leh wakiillo ka socda Beesha Caalam

17

 Midowga Musharaxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa galabta shir la leeyihiin wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Musharaxiinta ayaa si gaar ah ula kulmi doona Safiirrada dawladaha la isku yidhaahdo C6+, iyagoo arrimo kala duwan muhiim ah kala hadli doona.

Waxyaabaha ay sida gaarka ah uga hadlayaa shirkaan galabta qabsoomaya ayaa waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka dalka iyo arrimo kale.

Xubnaha Musharaxiinta ee ku bahaysan Midowga Musharaxiinta una tartamaya xilka ugu sarreeya dalka, ayaa waxa uu khilaaf dhanka doorashooyinka guud ee dalka la xiriira iyo hab raacyada loo marayo kala dhexeeya madaxda talada dalka haysa.

Waxaa socda dadaallo hal loogu raadinayo arrintan, waxaana ay ahayd shalay markii ay ogolaadeen Midowga Musharaxiintu in Ururrada Bulshada Rayidka ah ay soo farogeliyaan khilaafka dawladda iyo iyaga ka dhextaagan.