Mareykanka oo bilaabay howlgal uu ciidamadiisa uga saarayo gudaha Soomaaliya

3

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa biyaha Soomaaliya soo galay markabka USS Hershel ‘Woody’ Williams oo ah nooca diyaaradaha xambaara, oo gacan ka geysan doona daabulista ciidamada illaa 700 askari lagu qiyaasay ee ku sugan Soomaaliya.

Hawlgalkan waxaa qeyb ka ah diyaarad nooceedu yahay AC-130W Stinger II oo difaac dhanka hawada iyo xog ururin sameyn doonta muddada hawlgalku soconayo.

Waxaa intaa dheer diyaaradaha sidii ‘gorgorka’ u muuqaalka eg ee qumaatiga u kaca oo gaaf-wareegi doona badda, muddada uu markabkan ku sugan yahay biyaha Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow Balli-doogle ayaa sheegay in xalay illaa shalay ay maqlayeen guuxa diyaarado joog hoose ku duulaya.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada loo kala daabuli doono Jabuuti iyo Kenya.

AFRICOM waxay sheegeysaa inay u diyaarsan yihiin haddii weerar lagu soo qaado ciidamadooda inta ay ku guda jiraan guuritaanka.

Hawlgalka rarista ciidamada waxaa loogu magac-daray “Operation Octave Quartz”:

O: Operationally
C: Critical
T: Threat
A: Asset
V: Vulnerability
E: Evaluation

USS HERSHEL ‘WOODY’ WILLIAMS:

Markabkan oo dherer ahaan gaaraya 239 mitir, ayaa asal ahaan loogu talagalay in saldhig ahaan loo isticmaalo. Waana mid cusub oo rasmi ahaan loo hawlgaliyey 22-kii Febraayo 2018-kii. Qiimihiisu wuxuu ku fadhiyaa $498 million.

Sida ka muuqata, waxaa markabkan loogu magac-daray “Hershel Williams” oo ahaa sarkaal ciidanka Marines-ka Mareykanka ka tirsanaa oo ku dhintay Dagaalkii 2aad ee adduunka.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin