Cumar Filish oo ka digay in qalqal siyaasadeed & mid amni laga abuuro Muqdisho.

14

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in Magaalada muqdisho xilligaan awoodi Karin fowdo iyo kicin dadweyne, isla markaana ay muhiim tahay in nabada laga wada Shaqeeyo.

Guddoomiye Cumar Filish oo ka hadlayay kulan ka dhacay mid kamid ah degmooyinka Muqdisho ayaa sheegay in dadka muqdisho aan wax dan ah ugu jirin siyaasad ku dhisan fowdo, Madfac iyo  mooryaamayn , waxaana uu Bulshada uu uugu baaqay dad uu sheegay inay khalqal gelinayaan dowladnimada.

“ Shacabka gobolka Banaadir, iyaga ayaa laga rabaa inay jawaab ka bixiyaan hadallada kasoo yeeraya kuwa diidan dowladnimada ee dhahaya waxaa loo laabanayaa 1991-dii, waxaa loo baahan yahay in shacabku uu dharbaaxyo xoogan ku dhufto kuwaas doonayo in la dumiyo dowladnimada la haysto,” ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in dowladaan ay tahay middii ugu horeeysay ee mushaarka si toos ah u bixisa islamarkaana ay suurtagashay in Ciidamada dowladda ay ku guuleystaan inay la wareegaan Gooobo ay ka baxeen Ciidamada AMISOM.