Maxay tahay sababta uu madaxweyne Deni maanta u tegayo Gaalkacyo?

19

Waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu soo gaaro madaxweyna maamulka Puntland.

Safarka madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Xukuumaddiisa Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Gaalkaco waxa uu kulan muhiim ah kula yeelan doonaa madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga gobolka Mudug, oo mudooyinkii u dambeeyay ahaa mid sii xumaanaya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay isku soo hadal qaadi doonaan ama kulankooda uga wada hadli doonaan arrimaha doorashooyinka guud ee dalka ee muranka badani uu ka jiro.