Baarlamaanka iyo Madaxweynaha HirShabeelle oo sameystay mudo kororsi

32

Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle oo maanta magaalada Jowhar ku yeeshay kulankii 10-aad ee kalfadhigooda koowaad ayaa cod u qaaday waqti kordhin loo sameeyey mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee HirShabeelle.

Kulanka waxaa shir gudoominayey guddoomiyaha baarlamanka HirShabelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji, waxaana wehliyey labadiisa ku xigeen.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday ajandaha kulanka oo ahaa u codeynta wax ka badalka mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Qprshahaan ayaa loo cuskaday wax ka bedel ay xildhibaanadu dhawaan ku sameeyeen qodobada 33-aad iyo 50-aad ee dastuurka dowlad goboledka HirShabelle, kuwaas qeexayey mudada xilheynta baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulka.

Xoghayaha Guud ee golaha ayaa xildhibaanada kahor akhriyey qodobada dastuurka dowlad goboleedka HirShabelle oo kahadlaaya awoodaha baarlamaanka HirShabelle. Sidoo kale Guddoomiye Luqmaan ayaa xildhibaanada u faahfaahiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ee HirShabeelle laga dhigo shan sano, iyadoo awel aheyd afar sano.

70 xildhibaan ayaa soo xaadirtay kulankii maanta waxaana ogolaaday qorshahan cusub 66-xildhibaan, halka seddax xildhibaan ay diideen mid kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Luqmaan.