Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta gaaray dalka Jabuuti

12

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga madaxweyne Biix ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee mahaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa maalmahan waxa uu safaro isdaba joog ah ku tagayay dalal ka mid ah qaaradda Afrika, waxaana ka mid ah dal Kenya , oo uu dhawaan tagay madaxweynuhu, iyo xubno ka tiran Xukuumaddiisa.

Biix ayaa waxa uu dalkaasi kula kulmay madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyay madaxdweynaha Kenya Uhurru Kenyata, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya danaha Soomaaliland, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland, kadib soo safarkii madaxweynaha.

Safarkan uu maanta ku joogo dalka Jabuuti madaxweynaha Soomaaliland iyo wafdigiisa ayaa waxa uu daaran yahay casuumaad rasmi ah oo u fidiyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.