Dagaal maanta ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho

7

Wararka naga soo gaaraya deegaan Xeebeedka Jaziira ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu dhex maray maleeshiyo hubeysan iyo Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, kaas oo dhacay saacadihii la soo dhaafay.

Dagaalakan oo marar kala duwan ku soo noqnoqday deegaanka ayaa waxaa ka dhashay midkii u dambeeyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, sida mid ka mid ah dadka deegaanka uu noo xaqiijiyay.

Saddex ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen, halka tiro intaa ka badanna ay soo gaareen khasaaro dhaawac ah.

Sababta dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay muran ka dhashay Qaadka oo xeebta deegaankaasi la sheegay in loo soo marsiiyo sifo sharci darro ah.

Dawladda Soomaaliya ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saartay dagaalkan.