DF oo shaacisay dalal ka cafiyey daymo badan

17

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadda in dalal ka mid ahaa kuwa daymaha ku leh ee caalamka ay ka cafiyeen, daymahii ay ku lahaayeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu sheegay in wasiirku uu la saxiixday dalalkii daymaha kulahaa Soomaaliya qaarkood, heshiis ay ku saamaxayaan ama ku cafinayaan daymahaasi.

Dalalkan ayaa waxa ay kala yihiin Denmark, Ingiriiska iyo Netharland, sida lagu xusay warka ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dalalkan ayaa heshiiskan ay ku saxiixeen dayn cafinta Soomaaliya waxa uu  qayb ka yahay, go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii March ee sanadkan, kaas oo Lacag fara badan looga saamaxay Soomaaliya,taas oo ahayd 1.4 Milyan oo Doollar.

Wadarta guud ee Lacagta ay ka cafiyeen Soomaaliya  Saddexdan dal, ee ku mideysan Naadiga laysku yidhaahdo PARIS CLUB ayaa ah 69.9 Milyan oo Doollar.