Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday nin qorsheynayey inuu is qarxiyo

4

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay go’aan ka gaartay Xasan Cabdullaahi Aadan oo loo haystay dambi ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Eedaysane Cabdullaahi ayaa ay Ciidamada Ammaanku ku qabteen Ex Koontarool Afgooye, isaga oo isku diyaarinayay inuu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka, kadib markii au ka shakiyeen.

Taariikhdu markii ahayd 7 bishii June ee sanadkan ayaana ay ahayd markii Laamaha Ammaanku gacanta ku soo dhigeen isaga oo watay boorso ay ku rakiban yihiin walxaha qarxa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedaysanuhu qirtay ka mid ahaanshihiisa  Al-Shabaab, isagoo sheegay in mudo hadda sanad iyo bilooyin la tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kadib markii uu kaga soo biiray tuulo Buur-Dhuxunle la yidhaahdo oo ka tirsan gobolka Bakool 2018.

Maxkamadda ayaa go’aan maanta ka gaartay, waxa ayna ku xuntay xabsi daa’in, iyadoo sidoo kale siisay mudo Hal bil ah oo uu ku dalban karo Racfaan, haddii uu ku qanci waayo xukunka Maxkamaddu ridday.