Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay jadwalka doorashooyinka ee la soo saaray

5

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa si cad ah ugu soo horjeestay jadwalka doorashada ee ay soo saareen Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay  madaxda  Dowlad Goboleedyada, bulshada rayadka ah iyo beesha Caalamka in la joojiyo qabashada doorasho aan guddiyadeeda habraacyadeeda heshiiska aheyn islamarkaana aan si siman dalka ugu qabsoomi doonin

Xalay ayay ahayd markii Midowga Musharaxiinta Muqdisho, ay  si adag u cambaareeyeen  go’aanka guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal ku soo saareen Jadwalka cusub ee Doorashada.