Xasan Sheekh oo dowladda ku eedeeyay inay burburin ka wado Gobolka Gedo

13

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay xaalada xilligaan ee Gobolka gedo, isaga oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay burburin ka wadaan gobolka Gedo.

Xasan Sheekh oo ka qeyb-galayay Barnaamij dood ah oo looga hadlayay arrimaha diblumaasiyadda iyo doorashooyinka ayaa sheegay in arrinta gobolka Gedo ay u baahan tahay in wada-hadal lagu dhameeyo.

Waxaa uu sheegay in aysan suurtagal aheyn in dowladda Federaalka ay dhahdo in Gobolka Gedo kama tirsana maamulka Jubbaland,isla markaana ay doonayaan inay maamulaan doorashooyinka ka dhacaya.

Waxaa uu ku eedeeyay madaxda dowladda inay gobolka gedo ka wadaan dulmi iyo dumin siyaasadeed, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in arrintasi uu ka laabto.

Arrinta gobolka Gedo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay noqotay mid isha lagu wada haayo, waxaana maalmahan ka socda xiisada dagaal, iyada oo dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamo farabadan.