Amar la dul-dhigay laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb

20

Shirka amniga caasimadda galmudug ee dhuusamareeb ayaa ka qabsoomay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb waxaana shir-gudoominayay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid iyada oo ay ka qaybgaleen taliyayaasha booliska nabadsugidda gudoomiyaha amniga caasimadda iyo saraakiil kale.

Shirkan ayaa lagu gorfeeyey sidii loo dardargalin lahaa amniga iyo xasiloonida caasimada galmudug ee dhuusamareeb.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku waxaa uu awaamiir  siiyay ciidamada kala duwan ee ka hawlagala caasimadda in askari dhar shacab xiran uusan qori ku dhexqaadan karin magaalada, iyo  in askartu aanay samayn karin waxyaabo khalkhalgalinaya xasiloonida shacabka sida inay xabbadaha iska ridaan.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Guud ahaanba deegaanada galmudug uu  ka socda hawlgallo iyo talaabooyin kala duwan oo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.