Urrurada bulshada rayidka oo bilaabay dhex-dhexaadinta Dowladda & Musharixiinta

14

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya oo uu ka mid yahay ayaa la kulmay xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah oo uu hogaaminayay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax.

Kulanka aya waxaa ay uga wada hadleen caqabadaha weli ku hor gudban doorashada 2020 – 2021 iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay Midowga Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arimaha doorashooyinka ee taagan,.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in  Midowga Musharixiinta ay soo dhoweynayaan doorka dhex dhexaadinta ee ay qaateen ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arimaha lagu muransan yahay ee guddiga doorashooyinka, isagoo xusay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020 – 2021.