Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle oo lagu qarxiyey Jowhar

30

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in goor dhow qarax lala beegsaday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Xildhibaan Muxumad Colaad ayaa la sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas oo lagula beegsaday meel aan ka fogeyn guriga uu ka deganyahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Dhaawaca Xildhibaanka oo ah mid culus ayaa la sheegay in loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Sanadkan gudihiisa waxaa magaalada Jowhar lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaankii koowaad ee HirShabeelle, kuwaas oo mas’uuliyadda dilalkooda ay dusha u riteen Al-Shabaab.