Diblumaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo maanta soo gaaraya Muqdisho

25

Shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabanaya Soomaaliya iyagoo fulinaya amarkii dowladda ee ahaa in muddo 7 maalmood ah ay dib ugu soo noqdaan Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in safaaradda Soomaaliya ee Kenya haatan la xiray, kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Kenya.Dhammaan diblumaasiyiinta oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa tagaya Muqdisho.

Safaaradda ayaa horay u sheegtay inay fulinayso go’aanka dowladda, ayna hakisay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay.

Xigasho:-BBC