Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka furmaya Muqdisho

52

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir  ayaa galabta ka furmaya garoonka Eng Yariisow ee Magaalada Muqdisho,waxaana ciyaarta ugu horeysa ay dhexmari  doontaa kooxaha gobolka Banaadir iyo Galamudug oo kuwada jira Group A,waana markii ugu horeesay ay tartanka isku arkayaan labada dhinac.

Munaasabad lagu daahfurayay koobkan ayaa waxaa ay ka dhacday xaruunta maamulka gobolka Banaadir  iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xamse Saciid Xamse.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in sannadkan tartanku yahay mid furan, isagoo la dardaarmay ciyaartoyada tartanka qeyb galeysa.

Tartankan ayaan la qaban muddo labba sanno ah sabab la xiriirta khilaafka u dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan sannadkaan difaacanaya dowlad goboleedka Jubbaland oo markii u dambeysay ku guuleysatay.