Maxaa ka cusub Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya?

13

Duhurnimadii maanta waxaa la sugaayay Shir jaraaid ay qabato Monics Juma Wasiirka Difaaca Kenya oo Warfidiyeenka la iskugu yeeray Xarunta Wasaaradda Difaaca ,balse waala baajiyay Shirkaasi sababtana lama oga.

Wararka ka imaanaya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in suurta gal ay tahay in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka codsado Urur Goboleedka IGAD in Somalia laga saaro Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo rabo in Ciidamo ka socda Eriteria lagu badalo kuwa Kenya.

Afhayeenka Ciidamada Kenya oo la hadlaayay Jariidada The Nation Col Zipporah Kioko ayaa yiri “Joogitaankeeni Somalia waa mid ogolaanaya heshiisyada u yaala AMISOM”.

Weli ma uusan Furmi shirkii Urur Goboleedka IGAD maanta lagu waday inuu ka dhaco magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, sabab la xiriirta in Kenya ay codsata in Warbaahinta ay dibad joog ka noqoto shirkan, taasoo Soomaaliya ay ka soo horjeesatay.

Madaxda dalalka Ururka qaybta ka ah ayaa wada, qorsheyaal ay Labada dhinacba ku dhex dhexaadin karaan.

Madaxweyne Farmaajo oo isagu shirkan Soomaaliya uga qayb gelaya ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abig Axmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirkan gaar ah ayaa waxaa dib uga soo biiray Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta.

Weli lama faahfaahin waxyaabihii ay uga hadleen shirkan gaar ah.