Kenya Oo Dalbatay In Warbaahinta Laga Saaro Shirka U Furmaya Madaxda IGAD

15

Waxaa Maanta oo  Axad ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta uu si rasmi ah uga furmo Shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan  Waddamada Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo kamid ah xaalada Gobolka Tigree-ga oo dhawaan Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya dagaal kagala wareegeen Jabhadda TPLF.

Shirka ayaa Madaxda ka qeyb galeysa waxaa ay diirada ku saari doonaa khilaafka xoogan ee xiligaan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dhawaan dowladda ay Urur Goboleedka IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, kuna eedeysay fara-gelin.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay codsatay in shirka Madaxda IGAD laga saaro warbaahinta, marka la gaaro hadaljeedinta labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana la dhageysan doono Dacwada Kenya laga soo gudbiyay.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay diiday dalabka Kenya ee ah in shirka laga saaro warbnaahinta, xili Shirka lagu waday in uu furmo 10:00 Subaxnimo ee Geeska Afrika, hayeeshee saacad kadib uu furmi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray dalka Jabuuti ayaa Maanta ka qeyb galaya Shirka Urur Goboleedka IGAD, isagoo ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa.