Al-Shabaab oo laga baqdin qabo in ay weeraraan dadka u dabaal degaya Ciidda Kirishtaanka

27

Wadaaddada Kirishtaanka ah ee ku safra xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay ka walaacsan yihiin xaaladdooda amni,xilliyada ay safarradooda ku guda jiraan.

Weeraro gaadmo ah ayay ka baqayaan in ay la beegasadaan Al-Shabaab, oo inta badan meelaha ay ku safraan ee xad ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ka fuliya weeraro qorshaysan.

Waxa ay wadaaddadani sheegeen in ay wada hadallo la fureen wadaaddada Muslimiinta ah, bay tilmaameen looga hortago weerarada iyaga ka dhan ah ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Lamu iyo Gaarisa horay weeraro ku qaaday basas ay saarnaayeen dad aan haysan Diinta Islaamka iyo Arday.

Sidoo kale cabsidan faraha badan leh ee hadda soo wajahday wadaaddadan Kirishtaanka ah ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku soo beegmayso xilli ay diyaar garow xooggan ugu jiraan,sidii ayugu dabaal degi lahaayeen, Ciidda Kirismaska loo yaqaanno, taas oo sanad walba ay xusaan.