Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka.
Shariif Shiikh Axmed oo ah gudoomiyaha golaha Musharaxiinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona uu ku dhaliilay in ay boob doorashada dalka iyo in ay ku fashilan tahay in wax ka qabato xaalada amni ee wadanka uu xilagan marayo.
Shirka jaraa’id ee madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa uu ku soo hadal qaaday ciidamo la sheegay in shalay la duldhigay guryaha ay musharixiinta ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isagoona ciidamada dowladda in aan loo adeegsan waxyaabo ka baxshan sharciga.
Hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray in aysan jiri doonin qof si xoog ah ku joogi doonto villa Soomaaliya, islamarkaana uu bixi doono qofkasta marka uu dhameyso muddo xileedkiisa marka uu dhamaado.