Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tagay magaalada Baydhaba

6

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa oo ka koobnaa xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, kuwooda laga soo doortay Baydhaba ayaa waxaa si diirran magaaladaasi ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha iyo xubnaha wafdigiisa ee safarkan maanta ah ku wehlinaya ayaa waxa uu safarkoodu daaran yahay , sidii ay halkaasi uga qayb geli lahaayeen munaasabadda xuska sanad guuradii 2aad ee maamulkaas, taas oo ku beegan maalinta berri ah ee 19 bishan.