Maxamed Xasan” Waxaan la kulmi doonaa cid walbo oo tuhun ka qabta guddiga doorashooyinka”

1

Guddoomiyaha guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Maxamed oo ka hadlay arimaha doorashoyinka iyo caqabadaha ku horgudboon guddigooda ayaa sheegay in guddiigada doorashooyinka ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan cidwalbo oo tuhun ka qabta guddiga , islaamrkaana ay iyaguna u tagi doonaan.

Sidoo kale Guddoomiayaha ayaa sheegay in ay ka shaqeyn  doonaan caddaalada, islamarkaana ay ka fogaan doonaan musuq maasuq iyo cadaalad daro.

Maxamed Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ay dhex dhexaad ka noqon doonaan arrimaha doorashooyinka.

Musharrixiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal, kuwaas oo shaqadooda billaabay iyadoo kwuii Puntland iyo Jubbaland ay weli maqan yihiin.