R/wasaare Rooble oo maanta gaaray Cadaado

14

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ay joogaan Cadaado waxa ay u kuurgalayaan xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool Cadaado ee dhinacyada kaabayaasha bulshada, taasoo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in shacabka Cadaado ay yihiin dad jecel dowladnimad, isagoo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey safarka uu ku joogo Galmudug ee loogu kuurgalayo baahiyaha ka jira deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu kulamo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka la sameyn doonno qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadaado.