Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo bandhigay qaab dhismeed cusub oo la filayo in loo sameeyo Dhuusamareeb

15

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug mudooyinkii u dambeeyay aysan yeelan wax horumar ah, gaar ahaan dhanka bilicda ee magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in arrintan ay sababtay intii ay ku jirtay khilaafyada iyo isjiid-jiidkii siyaasadeed, sidaas darteedna ay asaagedu ku dhaafeen.

Deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa uu sheegay in uu ku casumi doono magaalada Dhuusamareeb si ay maalgashiyo ugu sameeyaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka uu ku leeyahay sawirro uu soo geliyay waxa uu ku muujiyay, hanaanka iyo qaab dhismeedka cusub ee la filayo in ay yeelato magaalada Dhuusamareeb, taasoo uu ka daahfuray maanta, isaga oo uu wehliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Rooble ayaa waxaa la filayaa in maanta uu safarro ku mari doono degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana ka  mid ah meelaha uu sida gaarka ah ku tagi doono safarkiisan maanta degmada Caabud waaq iyo deegaanka Xeraale ee gobolkaasi.