Musharaxiinta mucaaradka ah oo balan qaaday inay ku biirayaan banaan-baxyada Muqdisho

48

Midowga Musharaxiinta u taagan xilka maadxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray banaanbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo rasaastii ay ciidamada dowladda Soomaaliya u adeegsadeen dadweynihii banaan-baxa ka dhigayey.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dowladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaharaadayey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen musharaxiintu.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Golahu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha kas saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Maxamada Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dowladda Turkiga tababrtay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharadaayey.”

Qoraalka ayaa waxa lagu sheegay in rasaastii ay fureen ciidanka ay ku dhaawacmeen ilaa afar ruux, halka la xiray labo ruux oo kale, iyaga oo xusay in taliska ciidanka nabad-sugida iyo booliska gobolka Banaadir uu ku raad-joogo dadkii banaan-baxaasi ka qeyb-galay.

Musharaxiinta mucaaridka ah ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay sii wadaan banaanbaxyada nabadeed ee ay ku muujinayaan araahdooda, waxayna qoraalkan ugu balan qaadeen inay ku sii biiri doonaan hadii ay sii socdaan banaanbaxyadu.