R/wasaare Rooble oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo ku aadan arrimaha doorashooyinka

17

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  oo shalay gaaray magaalaada Dhusamreeb ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda maamul goboleedka Galmudug.

Kulamada oo aysan goobjoog ka ahayn warbahainta ayaa waxaa la sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen khilaafyada ku aadan dhinaca doorashooyinka dalka.

Sido kale maanta ayaa la filayaa in Raysal wasaare Rooble  iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay mar kale ku wada kulmaan xarunta madaxtooyada Galmudug.

Raysal wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Magaalada Garoowe kulan kula lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la sheegay in kulamadaas aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa waxa uu safarada uu ku marayo maamul gobleedyada iyo kulamada uu la qaadanayo madaxdooda waxa uu ku qotomaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo khilaafyada ka taagan.