DF Soomaaliya oo si rasmi ah xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya

12

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya, waxayna diblomaasiyiinta ka jooga gudaha Soomaaliya ku amartay inay todoba cisho dalka uga baxaan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay u yeeratay dhamaan diblomaasiyiinta ka jooga Nairobi, waxayna Kenya mar kale ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya” ayaa lagu yiri war-xaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020.”

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in shacabka Kenya ay u aragto inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha, balse hoggaanka dowladoodu uu yahay mid caadeystay ku xadgudubka xiriir qotadheer oo ku dhisan deris wanaagga iyo wax wada qabsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u gaartay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed ee isdaba joogga ah ee dowladda Kenya ay ku hayso madax-banaanida dalkeenna Soomaaliya.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed si waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee Dowladdu kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka oo soo baxay saqdii dhexe ee xalay.