Wararka Xukuumadda oo sheegtay in ay diyaar u tahay dib u eegista guddiga doorashooyinka

5

Ra’iisul- wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo ka qeybgalay kulan looga hadlay qoondada Haweenka ee doorashooyinka ayaa ka hadlay arrimo la xiriiro doorashada dalka iyo cabashooyinka ay qabaan Mucaaradka.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la xaliyo tabooyin kala duwan ee ka dhanka xukuumadda si dalka doorasho uga dhacdo.

Mahdi Guuleed Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Maamul-goboleedyada in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Guddiyada doorashada ee muranka laga keenay, si loo xaliyo tabashada.