Uhuru Kenyatta oo maanta madaxtooyada Kenya ku qaabilay Muuse Biixi

50

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la kulmay madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Muuse Biixi ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxuuna halkaas ku tegay casuumaad uu ka helay Uhuru Kenyatta, sida lagu shaaciyey qoraal ay socdaalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Qoraalkii looga hadlay safarka Muuse Biixi uu ku tegay Kenya waxaa lagu sheegay in Muuse iyo Uhuru ay maanta ka wadahadli doonaan arrimaha ay danaynayaan labada dhinac, iyadoo xustay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Sidoo kale dowadda Kenya waxay sheegtay in joogitaan diblomaasiyadeed aysan ku lahayn Somaliland, balse ay garowsan tahay deganaashaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, isla markana ay danaynayso inay hormariso maalgashiga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in qoraal ka dhan ah dowladda Kenya ay u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah shir guddoonka madaxda IGAD.

“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa Jabuuti 20 December,” ayaa lagu yiri qoraal looga soo jawabay dacwadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii bishii November dowladda Kenya ku eedeysay in faro-gelin ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna dalka ka ceyrisay safiirkii Kenya, ayada oo u yeeratay safiirkeeda Nairobi.