Go’aan la sheegay in MW Farmaajo damacsanyahay oo wal-wal ku abuuray Kenya

54

Wargeyska The Standard oo kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray xog uu sheegay inuu ka helay mas’uuliyiin Soomaali iyo Kenyaan ah oo sheegaysa in dawlada Soomaaliya ay qorshaynayso inay sii adkeyso oo aan la xalin xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya inta xukuumadda Nairobi ay sii wado taageeradda maamulka Jubbaland.

Wargeyska aanu xiganayno ee The Standard ayaa sheegay in xog uu ka helay madaxtooyadda Soomaaliya ay sheegayso in madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhaawaqayo dhawaan in dalka Kenya loo aqoonsado dal cadow ah, taas oo keeni doonta in Soomaaliya laga saaro shaqaalaha Kenyanka ah oo tiradooda lagu qiyaasay 100 kun oo qof.

Inkasta oo wargeyskaan uusan shaacin magacyada cidda uu xogtaan siisay, haddana waxa uu sheegay in aysan muuqan wax dadaal diblomaasiyadeed ah oo lagu xalinayo khilaafka jira.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ku dhawaaqayaa in Kenya ay tahay dal cadow ah, taasina waxay keenaysaa inay halis gasho qiyaastii 100 kun oo shaqaale Kenyan ah oo gudaha Soomaaliya jooga, sidaa darteed waa in xal la raadiyaa” ayaa lagu yiri qoraalka uu wargeyskaan baahiyey.

Faafaahin intaan ka badan wargeyskaan ma uusan bixin.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeeratay safiirka Soomaaliya u joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dalka laga saaray danjirihii Kenya, kadib markii ay Soomaaliya dhigeeda Kenya ku eedeysay inay faro-galin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.