Dagaal beeleed maanta ka qarxay Hiiraan

22

Dagaal beeleed ayaa Maanta ka qarxay degaanka lagu magacaabo magacaabo Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo salka ku haya muran ka dhashay ceel biyood ayaa weli ka socda duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay soo sheegayaan  in xaalad kacsanaan ah halkaas ay ka jirto.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.