RW Rooble oo ku wajahan Dhuusamareeb iyo ciidamo laga sii hor mariyey

44

Magaalada Dhuusamareeb waxaa goor dhaw laga dejiyey ciidamo ka tirsan Gor-Gor, kuwaas oo la sheegay inay hor dhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku wajahan magaaladaas.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadaas loogu tala galay sugidda ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya qeybteeda ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in saacada soo socda uu soo gaaro Dhuusamreeb, waxuuna halkaas kula kulmi doonaa madaxda Galmudug, isagoo kala hadli doona dhaqaajinta arrimaha doorashada dalka oo muran badani uu ka taaganyahay, sida uu horay u shacaiyey.

Socdaalka Ra’iisul wasaaaraha ee Galmudug ayaa ku soo beegmay, kadib markii uu gebi ahaanba fashilmay wada-hadalkii Garowe uga socda madaxweyne Deni iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo ku saabsanaa xal u helidda muranka doorashada.