Wararka Guddiga Joogtada ee golaha shacabka oo kulan uga socdo Muqdisho

1

Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, kulankaas oo ajendihiisu uu yahay qabyo qoraalka dib u eegista Dastuurka.

Kulanka oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka.

Waxaana kulanka diirada lagu saarayaa xeerka Dib loogu dhigayo Dastuurka Barlamaanka 11-aad si loo horgeeyo golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.